Buundo si casri ah loo dhisey oo laga xarig jarey Degmada Wadjir ee Gobolka Banaadir

0
184

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Anna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray isticaamlka Buundada cusub ee waddada Buula Xuubeey ee Degmada Wadajir. Buundadaan oo loogu tala galay Ardeyda rabta in ay goyso laamiga islamarkaana aada Iskuulada halkaas ku yaala si aysan wadada dhibaata kula kulmin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Anna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegey in Buundadaan ay arkeen dhismaheeda mid xal u ah Ardeyda iyo guud ahaan Bulshada halkaas isticmaasha isagoona si rasmi ah u dahfurey isticmaalkeeda.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mathey Nur War’ady

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here