Bulshada Magaalada Baydhabo Oo Ka Aragti dhiibtay Qiimaha Internet-ka Soomaaliya Oo Afirka Kaalinta Koowaad Ka gashay

0
265

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Warbixin ay soo saartay Cable.co oo ah bar internet oo isbrabardhig ku sameysa qiimayaasha shirkadaha isgaarsiinta dalalka caalamka ayaa muujineysa in Soomaaliya ay kaalinta 7aad kaga jirto adduunka, qaaradda Afrikana kaalinta 1aad dhinaca qiimaha 1GB ee internetka taleefoonka gacanta, kadib markii qiimeyn lagu sameeyay shirkadaha isgaarsiinta ee dalalka adduunka.

Warbixintu waxay muujineysaa in qiimaha mobile internet ee Soomaaliya uu aad hoos ugu dhacay 12kii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo sanad ka hor ay Soomaaliya ku jirtay kaalinta 134aa

Hadaba Sidee ayay Bulshada Soomaaliyeed u Arkaan Heerka Adeega Internetka Dalka gaar ahaan Shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo waxay Marka Hore soo dhaweeyeen Somalia Heerka ay dunida ka joogto isticmaalka Adeega internetka.

Warbixintan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Maxamed Nuur Warcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here