Bukaano ka caafimaaday cudurka karoona oo mar kale laga helay Covid-19

0
287

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Luis Enjuanes, oo ku taqasusay fayrasyada faafa, kana tirsan machadka Qaran ee Biotechnology (CSIC) ee dalka Spain, wuxuu BBC u sheegay in ugu yaraan boqolkiiba 14 ka mid ah bukaannada oo laga daweeyay Covid-19, in markale uu ku dhacay.

Wuxuu aaminsan yahay in arrintan aysan ka dhalan in mar labaad ay fayraska qaadeen, balse waa midkii hore oo “dib u soo rogaal celiyay”.

“Sharaxeedeyda, iyo sida dad kale oo badan ay u dhigi lahaayeen, waa in coronavirus uusan dadka kala soocin, balse dadka qaar difaacooda jirka waa mid aad u xoogbadan,” ayuu yiri Enjuanes.

“Marka ay daciifto jawaabta uu bixinayo difaaca jirka, fayraska oo meelaha qaar ku dhuumanaya ayaa weerar kale soo qaada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here