Bruno Fernandes Oo Cagajuglayn Ku Saabsan Horyaalka U Diray Man City Kadib Markii Ay Iska Reebeen Liverpool.

0
231

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa sheegay in ay ka go’antahay in uu Man United ku hogaamiyo ku guulaysiga horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa FA Cup-ka ka reebtay kooxda Liverpool Axadii iyaga oo sidoo kale Reds kala wareegtay hogaanka horyaalka premier League maalmo yar ka hor.

Bruno Fernandes ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guulo waaweyn isaga oo ilaa haatan u dhaliyay 16 gool iyo 10 caawin tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Bruno Fernandes ayaana haatan sheegay in uu isha ku hayo in uu Man United kula guulaysto horyaalka premier League markii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2013.

“Waxa aan u imid kooxdan si aan wax walba ugu guulaysto waxana iga go’an in aan horyaalka kula guulaysto”ayuu Bruno Fernandes yidhi.

“Waxa aan haysanaa kalsonii sidaa darteed waxa aan aaminsanahay in aan ku guulaysan karno horyaalka premier League”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here