Brazil: Waxaa lagu qabtay dibadbaxyo looga soo horjeedo rabshado dhacay

0
122

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tobanaan kun oo qof oo ku nool dalka Brazil ayaa qabtay isu soo baxyo lagu taageerayo dimuqraadiyadda kuwaasoo ka careysan weerarkii lagu qaaday dhismaha aqalka koongareeska.

Tageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil, Jair Bolsonaro ayaa shaley si xoog ah gudaha ugu galay halkaas.

Magaalada ugu weyn dalka ee São Paulo, dad badan ayaa ku qeylinayay in Mr Bolsonaro xabsiga loo taxaabo.

Dhinaca kale, madaxweynaha Brazil, Luiz Inacio Lula da Silva, ayaa la kulmay gudoomiyaasha gobollada si uu ugala hadlo sidii loo difaaci lahaa dimuqraadiyadda, ka dib weerarkii xarumaha dowladda ay ku qaadeen taageerayaasha madaxweynihii isaga ka horreeyay, Jair Bolsonaro.

Madaxweyne Lula ayaa mar kale cambaareeyay waxa uu ugu yeeray isku dayga lagu afgambiyay dowladdiisa. Laakiin waxa uu carabka ku adkeeyay in inta badan dadka u codeeyay Mr Bolsonaro aysan ku raacsanayn rabshadaha Brasilia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here