Borussia Dortmund Oo Soo Afjartay Fursadii Man United Ku Heli Lahayd Saxiixa Jadon Sancho, Maxaa Cusub.

0
336

Kooxda Borussia Dortmund ayaa xaqiijisay in ayna iibin doonin xiddiga Jadon Sancho dalab walba oo u yimaada suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sancho ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United xagaagan oo dhan iyada oo kooxda Ole Gunnar Solskjaer doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa.

Borussia Dortmund ayaa Man United u qabatay 10-kii bishii August si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga laakiin United ayaan wakhtigaas wax dalab ah ka gudbin.

Wargayska Borussia Dortmund ayaa wargayska WAZ u sheegtay in ayna iibin doonin Jadon Sancho xagaagan wax walba oo dhaca xagaagan.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa diidi doonta xitaa hadii ay dalab 150 milyan ka badan heshay sida uu xaqiijiyay wargayska WAZ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here