Boqortooyada Sacuudiga oo u ogaalaneysa in ay sanadkan xajiyaan kun ruux oo kaliya

0
363

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dadka gudanaya acmaasha Xajka oo sanandkan aad hoos loogu dhigay cabsi laga qabo feyraska sida fudud ku faafa ee COVID-19 awgii ayaa qiyaastii ,1000 xujeey ah ayaa sannadkan loo ogolaaday in gutaan acmaasha xajka.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in in 29 July uu billaabanayo Xajka kuna beegan maaalin Arbaco ah sida ay sheeegeen mas’uuliyiinta.

Qiyaastii 2.5 milyan oo muslimiin ah yaa sannad waliba ka kala yimaada daafaha caalamka si ay u gutaan tiir kamid ah tiirarka Islaamka, iyagoo acmaashaasi ku guta Magaalada barakeysan ee Makka.

Xajka ayaa sannadkani la gudan doonaa iyadoo la raacayo qawaaniin adag oo dhanka nadaafadda ah oo looga hortagayo halista faafintaanka feyraska, waxaa kaloo la xaddiday da’da dadka sannadkan gudanaya acmaasha Xajka oo lagu xaddiday dadka da’doodu ka hooseyso 65 sano jir oo kaliya kuwaas oo aan laheyn astaamo COVID-19 ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here