Boqollaal kun oo ruux oo ku barakacay dadaad ku dhuftay dalka Niger

0
320

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Niger ayaa sheegtay in daadadkii dhowaan ku dhuftay caasimadda dalkaas, Niamey, ay boqollaal kun oo qoys ay ka barakaceen guryahooda.

Tirada dadka ku dhintay daadadka ayaa kor u dhaaftay 45.

Qeybo ka mid ah magaalada ayuu daadku harqiyay, kaddib markii Webiga Niger uu karkaarrada jabsaday.

Roobab xooggan oo da`ay ayaa tan iyo Talaadadii geystay burbur xooggan.

Kooxaha samatabixinta ayaa caawinaya dadka ay saameeyeen daadadkaas.

Wakaaladda AFP ayaa werisay in dowladda Niger ay bishii la soo dhaafay soo saartay digniin ku aadday in ilaa 300,000 oo qof ay khatar ugu jiraan daadadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here