Boqolaal qof oo ku sumoobay hilib ay maqaaxi ka cuneen.

0
316

Baydhabo(Radio Arlaadi)- In ka badan 800 qof ayaa ku sumoobay kaddib markii ay ka cunteeyeen maqaaxi ku taalla duleedka caasimadda Urddun ee Cummaan, sida ay wararku sheegayaan.

Waxaana geeriyooday canug yar oo isna la sheegay in maqaaxidan uu wax ka cunay.

Maqaaxidan ayaa lagu iibiyaa hilibka iyo cuntooyin kaleba, sida ay laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in hilibka aanan markii hore la gelin firinjeer isla markaasna baaritaan ay sameeyeen lagu ogaaday in hilibka uu ku dhashay bakteeriya.

Waxaana la xiray saddex qof oo uu kamid yahay milkiilaha maqaaxida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here