Boqol degmo oo Faransiiska ku yaalla oo ay soo wajahday biyo yaraan

0
169

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dowladda Faransiiska, ayaa diyaarisay koox xasaradeed, oo wax ka qabata abaarta taariikhiga ah, ee ku sababtay in ka badan 100 degmo, inay gabaabsi ku yihiin dadkooda biyihii ay cabi lahaayeen.

Booyado ayaa biyaha u dhaamiya goobahan, maadaama aanay waxba ku harin dhuumaha tubooyinka, sida uu sheegay wasiirka deegaanka, Christophe Bacho.

Xafiiska ra’iisal wasaaraha, ayaa sheegay iney tahay abaartii ugu darneyd ee ka dhacda Faransiiska. Isticmaalka biyaha, ayaa la filayaa in lagu soo rogo nidaam tashiilis ah 93 degmo.

Biyo yarida ayaa lagu wadaa iney socoto muddo dhan laba toddobaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here