Bogga Twitter-ka ee Ra’iiusal Wasaaraha Hindiya oo la jabsaday

0
328

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Sida ay sheegtay Shirkadda Twitter waxaa saakay aroortii la jabsaday bogga Twitter-ka ee Ra’iisul Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi.

Shirkadda Twitter ayaa sheegtay in qaaday tallaabooyin lagu soo celinayo akoonka ra’iisul wasaaraha ee la jabsaday sidoo kale Shirkadda ayaa sheegtay in ay baaritaanno ku sameyneyso arrinkan.

Akoonka Ra’iisul wasaaraha ayaa saakay la soo dhigay qoraallo dadka boggaasi ku xiran looga codsanayo in ay ka qeyb qaataan barnaamij gargaar ah oo lacagta lagu bixinayo qaab online ah “Cryptocurrency”.

Bogga Twitterka ee Modi oo ay ku xiran yihiin dad gaara laba milyan iyo bar ayaa la sameeyay sanadkii 2011-kii.

“Waan ka war heynaa howlahan waxaana qaadnay tallaabooyin lagu hubinayo amniga akoonka. Waxaan si xooggan u baareynaa xaaladan. Ilaa iyo hadda ma ogin akoonno kale oo ay la jabsaday” ayuu yiri afhayeenka Shirkadda Twitter.

Bartamihii bishii la soo dhaafay ee Luuliyo ayay aheyd markii sidan oo kale loo jabsaday bogga Twitterka ee musharaxa Xisbiga Xisbiga Dimuqraadiga dalka Mareykanka ee Joe Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here