Biyo la’aan soo wajahday dalka Iran

0
182

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Iran ayaa sheegtay in ay hal milyan oo dhalo oo biyo ah geyneyso magaalada Hamadan, halkaas oo ay ka jirto biyo la’aan daran. Durba waxaa bilaatay qeybinta biyaha magaalada, oo ku taal bartamaha galbeedka Iran.

Gudoomiyaha degmada ayaa sheegay in meelaha qaar ay si aad ay biyaha u go’an yihiin. Biyo-xireenka Ekataban oo inta badan biyaha gobolka ka soo baxa ayaa maraya heerkii ugu hooseeyay – iyadoo ay ugu wacan tahay abaarihii u dambeeyay iyo wax lagu tilmaamay maamul xumo dhanka isticmaalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here