Bisha ugu dambeysa qandaraaska Sergio Ramos iyo Real Madrid oo berri bilaabaneysa & rajada laga qabo inay labada dhinac heshiis cusub isu af-gartaan

0
326

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Qandaraaska uu Sergio Ramos kula jiro kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa berri geli doona 30-ka maalmood u dambeeya iyadoo aysan illaa haatan jirin wax heshiis kordhin la xiriira oo ay isku raaceen labada dhinac.

Waxaa jirta rajo aad u yar oo suuro gelin karta inay heshiis cusub wada gaaraan kooxda Madrid iyo kabtankeeda 30-ka maalmood ee soo socota kahor inta uusan dhammaanin qandaraaskiisa haatan.

35-jirkan ayaa u muuqda mid wali u bisil inuu qalinka dul dhigo qandaraas cusub maadaama uusan wali go’aansan halka xigta ee uu u dhaqaaqi karo xagaagan iyadoo ay xusid mudan tahay inuu laga soo bilaabo 1-dii January ee sanadka uu wada xaajood la furan karay kooxdii uu doono ku biiristeeda ee ka dhisan meel ka baxsan Spain, hase ahaatee, waxaa u cuntami waayay yabooha maamulka Los Blancos usoo bandhigeen si uu heshiis cusub ugu saxiixo.

Waxyaabaha la isku waafaqi la’yahay ayaa sida guud lagu sheegay sanadaha uu heli doono iyo Madrid oo dooneysa iney dhinto mushaharka kabtanka xulka qaranka Spain.

Si kastaba ha ahaatee, Ramos iyo Real ayaa wali kala joogo meel aanan isu dhoweyn marka ay timaaddo heshiiska cusub ee ay ka doodayaan labada dhinac, waxaana taasi ay dardar gelineysaa inuu xiddigan qaab xor ah kaga dhaqaaqo xagaagan garoonka Santiago Bernabeu haddii uu heli waayo heshiiska uu doonayo.

Difaacan ayaa Los Blancos kaga soo biiray naadiga Sevilla sanadkii 2005, waxaana uu kula guuleystay Real Madrid 22 koob muddo 16 sano ah oo uu kooxdan u ciyaarayay, se waxay u muuqataa inay taariikhda maaliyadda caddaanka ah soo dhammaato 30 maalmood kaddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here