Bilyaneer caan ah oo sheegay inuu lacagtiisa siinayo dadka saboolka ah

0
151

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Bilyaneer Bill Gates ayaa ballan-qaaday inuu ku deeqi doono hantidiisa oo dhan, isla markaana uu ka bixi doono kaalimaha hore ee uu uga jiro liiska maalqabeennada adduunka.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli uu ninkan oo asaasay shirkadda Microsoft shaaciyay in lacag dhan 20 bilyan oo doollar uu ugu deeqay hay’addiisa samafalka.

Gates oo hadda ah ninka afaraad ee dunida ugu taajirsan ayaa sheegay inay “masuuliyad” ka saaran tahay inuu hantidiisa ku celiyo bulshada.

Yabooh noocan oo kale ah ayuu Gates sameeyay sanadkii 2010, hase yeeshee wixii markaas ka dambeeyay waxaa aad sare ugu kacay hantidiisa, oo waxa uuba ka batay labo-laab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here