Benzema Oo Magacaabay Xiddig U Qalma Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or

0
39

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid ayaa magacaabay xiddiga u qalma ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or-ka 2024.

Xiddigo badan ayaa ku tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or taas oo la qaban doono bilaha soo socda.

Benzema ayaa si fiican u garanaya abaalmarinta kadib markii uu horay ugu guulaystay markii uu joogay kooxda Real Madrid.

Xiddiga reer France ayaa sheegay in xiddiga Real Madrid ee Vinicius Junior uu u qalmo ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or-ka 2024.

“Vinicius Junior waa in uu ku jiro meesha wuuna u qalmaa abaalmarinta Ballon d’Or marka la eego qaab ciyaareedka sanadkan iyo sanadkii hore”ayuu Benzema yidhi.”

“Vinicius Junior Waa ciyaartoy dhamaystiran waxana uu sanadihii ugu dambeeyay noqday xiddig xiddig heer sare ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here