Benzema oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee kooxda Real Madrid

0
233

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Real Madrid ayaa ku dhawaaqay ciyaaryahanka ku guuleysatay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa kooxda inta lagu jiray xilli ciyaareedka gabagabada sii maraya ee 2021/2022.

Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa loo caleemo saaray ciyaaryahanka sanadka ee kooxda Real Madrid, kaddib wax qabadkiisa inta lagu guda jiray xilli ciyaareedka 2021-2022.

Benzema ayaa dhawaan ku guuleystay abaal-marinta gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka La Liga isagoo dhaliyay 27 gool, wuxuuna sidoo kale dhaliyay 44 gool 45 kulan oo uu ka qeyb galay tartamada kala duwan ilaa hadda.

Kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee kooxda Real Madrid, Karim Benzema ayaa yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay, xilli ciyaareedkan waxa uu ii ahaa mid aad ugu wanagsan, marka la eego gool dhalinta iyo gool caawinta, guulo iyo koobab, waxaana dareemayaa farxad.”

“Ujeedka aan ka leenahay Liverpool finalka Champions League waa inaan ciyaarno si aan u badino, waxaana wajihi doonaa koox aad u xoogan, laakiin nafteena ayaan ku kalsoonahay, sababtoo ah anagaba waan xooganahay.”

“Waa inaan diirada saarnaa kulanka, oo aan ka faa’ideysano garab istaaga taageerayaasheenna ee tarabuunka saaran, waxaana ku kalsoonahay awoodeena inta kulanka uu socdo taasina waxay kasoo muuqan doontaa garoonka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here