Benzema & Courtois Oo Real Madrid U Dhigi Doona Rikoodh Ka Maqnaa Kooxdooda 34 Sano.

0
436

Karim Benzema & Thibaut Courtois ayaa qarka u saaran in ay ku guulaystaan abaalmarinta Goolhaha ugu fiican iyo gooldhaliyaha ugu fiican xilli ciyaareedka hadii ay sii wadaan qaab ciyaareedkooda fiican.

Real Madrid ayaa dhankooda u tartami doonta horyaalka La Liga iyaga oo 6 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka kadib 25 kulan oo la ciyaaray.

Karim Benzema ayaa kooxda Real Madrid ilaa haatan u dhaliyay 18 gool horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waxana uu ugu cad-cadyahay in uu ku guulaysto Xiddiga ugu fiican La Liga xilli ciyaaredkan.

Dhanka kale Goolhaye Courtios ayaa ugu cad-cad in uu ku guulaysto Goolhayaha ugu fiican kadib markii laga dhaliyay kaliya 20 gool 34 kulan oo uu ciyaaray.

Hadii ay Benzema iyo Courtois ku guulaystaan abaalmarinta waxa ay noqon doontaa markii ugu horaysay ee ay laab xiddig oo Real Madrid ah ku guulaystaan abaalmarinta muddo 34 sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here