Benjamin Pavard Oo Dabka Ku Shiday Wararka La Xidhiidhinaya Man United.

0
88

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Benjamin Pavard ayaa dabka ku shiday wararka la xidhiidhinaya Kooxda Man United Kadib guushii ay United ka gaadhay Wolves Isniintii.

Raphael Varane ayaa dhaliyay gool Man United ah qaybtii dambe ee ciyaarta kulankii ay ka badiyeen Wolves.

Pavard ayaa dabka ku shiday wararka la xidhiidhinaya kooxda Man United kadib markii uu baraha bulshada kaga fal celiyay goolkii Varane.

Xiddiga reer France ee Pavard ayaa ka fal-celiyay goolka uu Varane dhaliyay isaga oo adeegsanaya baraha bulshada.

Pavard oo Varane kaga garab ciyaaray xulka qaranka France waxana uu kula guulaystay koobkii adduunka sanadkii 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here