Bayern Munich Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Declan Rice

0
127

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)kooxda Bayern Munich  ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxday tartanka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee West Ham United Declan Rice.

kooxda West Ham ayaa xaqiijisay in uu xiddiga 24 jirka ah isaga tagi doono kooxda iyada oo 12 bilood ka dhimantahay heshiiskiisa kooxda.

Rice ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer Yurub ah kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxohooda.

Bayern Munich ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xiddiga reer England.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Mail  ayaa ku warameysa in kooxda heysata horyaalka Bundesliga ay go’aansatay in ay ka hadho tartankaol loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here