Bayern Munich oo Diiday Dalabyada Barcelona ee Robert Lewandowski

0
205
Bayern Munich's Polish forward Robert Lewandowski reacts during the UEFA Champions League last-16, second-leg football match FC Bayern Munich vs RB Salzburg in Munich, southern Germany on March 8, 2022. - - ALTERNATIVE CROP (Photo by CHRISTOF STACHE / AFP) / ALTERNATIVE CROP (Photo by CHRISTOF STACHE/AFP via Getty Images)

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay diiday labo dalab oo Barcelona ka gudbisay weeraryahankeeda Robert Lewandowski.

Isagoo u dhaliyay 344 gool 375 kulan oo uu u saftay kooxda reer Jarmal sideedii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, 33 jirkaan ayaa aaminsan in haatan ay tahay waqtigii ku haboonaa ee daaq cusub loo raadin lahaa, waxaana uu muujiyay rabitaankiisa ah inuu u dhaqaaqo Camp Nou xagaagan.

Barca ayaa la fahamsan yahay inay dhawaan miiska u saartay dalabkeedii ugu horeeyay ee ku aadan xiddiga heerka caalami ee dalka Poland, laakiin Marca ayaa sheegtay in dalabka Bayern ay diiday.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Bayern ay sidoo kale diiday dalab labaad oo ka yimid kooxda Catalan Jimcihii oo ku kacayay 35 milyan oo Yuuro (£30.1m) oo lagu daray €5m (£4.3m) oo dheeri ah, maadaama ay ku qiimeeyeen xiddigooda €50m (£ 43m).

Ku guuleystayaasha Bundesliga ee joogtada ah waxaa ka go’an inay ceshato Lewandowski, kaasoo weli hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa Allianz Arena, laakiin Barca ayaa ‘si taxadar leh ugu rajo weyn’ inay soo xerogeliso weeraryahanka xagaagan.

Kooxaha sida Chelsea , Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale lagu tiriyaa inay xiiseynayaan Lewandowski, laakiin waxaa loo maleynayaa in Barcelona ay noqon doonto meesha uu weeraryahanka doorbidayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here