Barcelona Vs Royal Antwerp: Kooxda Xavi Oo Doonaysa In Ay Guul Ku Bilaabato tartanka

0
100

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Barcelona ayaa marti galinaysa kooxda Royal Antwerp kulan ka tirsan wareega Group-yada tartanka champions League.

Barcelona ayaa doonaysa in ay si fiican ku bilaabato tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyaga oo ku ciyaaraya garooneeda.

Dhinaca kale kooxda Royal Antwerp ayaa doonaysa in ay ka yaabsato Barcelona isla markaas xaalka ku xumayso kooxda Tababare Xavi.

Kulanka: Barcelona Vs Royal Antwerp

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulanka kaliya ee ay wada kulmeen Barcelona iyo Royal Antwerp ayaa dhacay 1964/65 iyada oo kooxda Barcelona ku badisay 3/2.

Royal Antwerp ayaa laga badiyay dhamaan kulamadii martida ay u noqdeen kooxaha ka ciyaara Spain iyaga oo laga dhaliyay 10/0 halka ayna Barcelona waligeed marti galin kooxda reer Belguim.

Koxda Royal Antwerp ayaa markii ugu dambaysay ciyaartay tartamada yurub 1957 iyda oo 65 sano u dhexeeyay kulankeedii ugu dambeeyay ee ay ciyaartay tartanka.

Xilli ciyaareedkan ayaa noqon doona midkii 28-aad ee ay Barcelona ka qayb gashay tartanka champions league waana kooxda ugu dheer ee ka qayb gasha tartanka iyaga oo la mid ah Real Madrid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here