Barcelona Oo War Fiican Ka Heshay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Saxiixa Ferran Torres, Maxaa Cusub.

0
481

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay war fiican ka heshay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa weeraryahanka kooxda Man City ee Ferran Torres kadib markii ay Man City hoos u dhigtay qiimihii ay ku iibinaysay xiddiga.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba heshiis la gaadhay xiddiga Torres laakiin ayna wali kooxda Man City kala heshiin saxiixa xiddiga 21 jirka ah.

Xaalada Barcelona ee dhanka dhaqaalaha ayaan haatan daganayn mana awoodo in ay samayso saxiixyo lacag badan ku kacaya ama xiddigo mushahar badan qaadanaya hadii ayna xiddigo iska iibin marka hore.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in rajadii Barcelona ee saxiixa Torres kor u kacday haatan kadib markii ay Man City hoos u dhigtay qiimihii ay ku iibinaysay xiddiga reer Spain.

Labada kooxood ayaa isku khilaafsanaa kaliya 13 milyan oo euro laakiin haatan labada kooxood ayaa qarka u saaran in ay ka heshiiyaan saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here