Barcelona Oo Wadahadalo Ku Saabsan Luis Diaz La Furtay Liverpool

0
36

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Kooxda Barcelona ayaa dib u furtay wadahadaladii ay ku doonaysay saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Luis Diaz sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga Luis Diaz waxana ay doonaysaa in ay ku xoojiso weerarkooda xilli ciyaareedka cusub.

Sida laga soo xigtay, Pipe Sierra Barcelona ayaa wadahadalo la furtay Liverpool si ay u hesho saxiixa Luis Diaz.

Dhinaca kale Pipe Sierra ayaa sheegay in ay Liverpool diyaar u tahay in ay iibiso xiddiga laakiin waa hadii ay hesho qiimaha ay doonayso.

Liverpool ayaa ku qiimaysa xiddiga Luis Diaz lacag dhan 75 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga reer Colombia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here