Barcelona Oo Wadahadalo Horumar Leh Kula Jirta Chelsea & Xiddiga Ay Doonayso Oo la Ogaaday.

0
243

Barcelona ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta xiddiga kooxda chelsea ee Cesar Azpilicueta sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Azpilicueta ayaa ku biiray kooxda ka dhisan galbeedka London sanadkii 2012, ka hor inta uuna kooxda kula guulaysan koobab ay ka mid yihiin champions Leageu, premier League, FA Cup iyo waliba Europa League.

Xiddiga reer Spain ayaa ilaa haatan 9 kulan u ciyaaray kooxda chelsea xilli ciyaareedkan isaga oo ah kabtanka 1-aad ee kooxda Blues.

Xiddiga 32 jirka ah ayuu heshiiskiisa chelsea dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu xor u yahay in uu ku biiro kooxda uu doonayo waliba qaab xor ah xagaaga dambe.

Sida laga soo xigtay El Nacional, Barcelona ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta chelsea si ay Azpilicueta ugu soo celiso Spain, 11 sano ka dib markii uu ka tagay Osasuna kuna biiray kooxda Marseille.

Wararka ayaa intaas ku daray in uu Xavi si gaar ah u dalbaday saxiixa xiddiga reer Spain si uu ugu xoojiyo kooxdiisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here