Barcelona Oo Sii Adkeysatay Amaanka Hogaanka La Ligaha.

0
125

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Barcelona ayaa sii adkeysatay hogaanka horyaalka ka dib guul hal gool aheyd ee ay ka gaareen Atletico B ka dib ciyaar qeybta hore ay soo bandhigeen labada dhinac kubad deg degsiimo laheyd

Inkastoo nasiinada lagu aaday gool Barcelona uu u dhaliyay Rafinha hadana kooxda athletic bilbao nasiibka ayaa diidanaa , gool birta ayay kaga dhacday halka fursado dhowr ahna ay qasaariyeen qeybta hore

Qeybtaas hore taatiko ahaan aad ayay u wacneyd ciyaarta  inkastoo wiilasha Xavi ka sheegteen in kubadda cagtooda ku daahdo waxa uuna Xavi ciyaaray afar qad dexe

Atletico waxa ay ka sheegayeen go`aan qaadasho deg deg ah marka kubadda cagtooda soo gasho balse guud ahaan halis ayay ahaayeen
Qeybta labaad , Barca ayaa ku badneyd maamulka kubadda iyo hamiga baadi goobka gool labaad , halka athletic bilbao si ayay kubaooda u degtay fax faxdii qeybtii horena waa ka maqneyd
Qadka  dhexe Barca cajiib ayuu ahaa ,De Jong dhan dhan gaar ah ayuu yeelay isaga ayaana dhisayay weerarka rogaal celiska ah .
Heerka kubad haysashada Barcelona mararka qaar wax auu gaarayay %66 , waxa ayan Atletico door bidayeen kubadaha rogaal celiska ah balse ma aheyn kuwo wax ku ool ah
Goolhayaha Barca qeyb ayuu ka ahaa is hor taagista Atletico B , dhowr kubad  oo gool noqon karay ayuu u diiday waxa uuna muujinayay dadaal gaar ah .
Barca Ansu Fati ayay jaanis siiyaan daqiiqadihii geerida ee dhamaadka ciyaarta , kooxda garoonka waxa ay halis ku ahaayeen  kubadaha rogaal celiska ilaa daqiiqadii 86-aad ku dhaliyeen gool balse VAR ayaa la aaday waana la diiday,
Athletic Bilbao nasiibka ayaa diiday , waqtigii dheeriga waa ay sigayeen shabaqa Barca , si kastaba wax aay ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here