Barcelona oo si dirqi saddexda dhibcood kaga soo heshay Real Betis oo ay booqatay

0
228

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Barcelona ayaa si dirqi saddexda dhibcood kaga soo heshay Real Betis oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood ku kala nasteen Real Betis iyo Barcelona barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 76-aad Barcelona oo marti ahayd ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay laacibkooda da’ada yar ee Ansu Fati.

79 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Real Betis ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Marc Bartra, waxaana ka caawiyay Nabil Fekir.

Jordi Alba ayaa daqiiqadii 90 + 4 –aad wuxuu hoggaanka u dhiibay kooxda Barcelona wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-2 ay Barca ku hoggaamineysay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Barcelona, kooxda Real Betis oo ay ku booqatay garoonka Benito Villamarín, Barca ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay wali ku jirtaa booska labaad waxayna leedahay 69 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here