Barcelona Oo Si Dirqi Ah Uga Badisay Kooxda Mallorca.

0
555

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Sheekada ciyaarta :Barcelona ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Mallorca hal gool oo nadiif ah ka dib ciyaar maamulkeeda  cagta ugu jiray kooxda martida aheyd ee Barca, waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqaii 44-aad waxaana lahaa L. d. Jong

Xilli Barcelona ka maqnaayeen xiddigo badan oo asaasi ah hadana waxa ay Mallorca u diideen in kubadda cagtooda ku daahdo waxa ayna ku abuureen qeybtaas hore fursado cajiib ah

Kooxda garoonka waxaa ku adkaa in kubadda si sax ah u jiidaan durbana cagtooda waa ay ka baxeysay , waxa ayna kooxda.com xuseysaa in xiddigii Barca ee qeybtaas hore uu ahaa De Joonk

Sidaas oo ay tahay Barca waxa ay ka sheegteen qasaarinta fursado sahal ahaa balse waxa ay ku fiicnaayeen dhisadda kubadda waliba ka bilaabaneysay qadka dhexe

Qeybta labaad , jawi deggan ayay ku bilaabatay mana jirrin halis gilin muuqata oo labada dhinac ah .

Labada koox kubadda waa u furneyd inkastoo Barca kubadda ku badneyd waxa ayan maarraak qaar gaarayeen %60 balse xalka ayaa ka maqnaa halka Mallorca iyana ku adkeyd in weerarka dhameystiraan

Farqi weyn ayaa u dhaxeeyay labada qeyb, ciyaar iska dagan bilaa xamaasad ah ayay noqotay qeyibihii dhamaadka ciyaarta inkastoo Mallorca cadaadis ahaan ka wacnaayeen Barca oo mararka qaar ku adkeyd in kubadda ka soo saaraan aaggooda .

Barca qeybta labaad waa ku adkeyd  , dhib ayayna ku qabeen in goolka ilaalsadaan waliba abuuraan  fursado , waxaana kooxda Mallorca goolka bar bar dhaca u diiday goolhayaha Barcelona oo bad baado cajiib ah sameeyay , waxa ayan ciyaarta ku dhamatay halkaas gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here