Barcelona Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Soo Bandhigi Doonto Franck Kessie

0
198

Kooxda Barcelona ayaa shaacisay wakhtiga ay taageerayaasha u soo bandhigi doonto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Franck Kessie.

Barcelona ayaa qaab xor ah kula soo wareegtay xiddiga Franck Kessie kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda Ac Milan.Inkasta oo ayna Barcelona diwaan galin karin xiddiga khadka dhexe ee Franck Kessie hadana kooxda ayaa shaacisay wakhtiga ay soo bandhigi doonto xiddiga.

Kooxda Barcelona ayaa shaacisay in ay xiddiga Franck Kessie u soo bandhigi doonto taageerayaasheeda June 30 oo ku beegan dhamaadka bishan haatan lagu jiro.

Xiddiga khadka dhexe ee Franck Kessie Ayaa ka mid noqday saxiixyada ugu horeeya ee ay kooxda Barcelona samaysay suuqa kala iibsiga xagaagan.

Franck Kessie ayaa Barcelona ku biiraya isaga oo kooxda Ac Milan kula guulaystay koobka horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkii dhamaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here