Barcelona oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Huesca oo ay booqatay

0
291

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Barcelona ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Huesca oo ay ku booqatay garoonkeeda Estadio El Alcoraz, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada Toddobaadkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 27-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer Hollandee Frenkie de Jong, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Lionel Messi.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1 oo ay Barcelona kaga soo adkaatay kooxda kaalinta ugu hooseysa kaga kaga jirta kala sareynta horyaalka La Liga ee Huesca oo ay ku booqatay garoonkeeda Estadio El Alcoraz.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here