Barcelona Oo Ku Dhaw Saxiixa Lautaro Martínez.

0
274

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ku dhawdahay in ay dhigeeda Inter Milan kala heshiiso saxiixa xiddiga Lautaro Martínez.

Lautaro Martínez ayaa ah bartilmaameedka ugu weyn ee Barcelona kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona aad ugu dhawdahay in ay dhamaystirto sxiixa xiddiga reer Argentine ee Lautaro Martínez.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona bixin doonto lacag dhan 60 Milyan oo euro iyo waliba laba ka mid ah xiddigaha kooxdeeda oo aan la shaacin cida ay yihiin.

Warka ayaa sheegaya in ay Barcelona iyo Inter Milan haatan ku dhawyihiin in ay heshiis kama dambays ah ka gaadhaan saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here