Barcelona Oo Heshiis La Gaadhay Xiddiga Robert Lewandowski

0
416

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Barcelona ayaa heshiis afka ah la gaadhay weeraryahanka Robert Lewandowski, sida laga soo xigtay Sportitalia.

Kooxda Barcelona ayaa la sheegayay in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga todobaadyadii ugu dambeeyay iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan weerarka.

Heshiiska Lewandowski ee Barcelona ayaa dhici doona xagaaga 2023 ilaa haatana heshiis cusub uma saxiixin kooxda Bayern Munich.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Bayern hadii uuna heshis cusub u saxiixin kooxda Bundesliga ka ciyaarta.

Wargayska Sportitalia ayaa sheegaya in ay Barcelona heshiis afka ah la gaadhay xiddiga Lewandowski iyaga oo u dhaqaaqi doona saxiixiisa adii ay waayaan xiddigaha bartilmaameedka u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here