Barcelona Oo Heshay Waddo Ay Ousmane Dembele Ugu Qasbayso In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Kooxda

0
356

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay gabi ahaan xiddiga Ousmane Dembele ka saari doonto kooxda una diidi doonto in uu xitaa tababar qaato ilaa inta uu heshiis cusub uag saxiixayo kooxda.

Xiddiga reer France ayaa dhawaan ku soo laabtay tababarka kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah waxana uu wali sugayaa in uu ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Ousmane Dembele ee Barcelona ayaa dhici doona xagaaga 2022, waxana xiddiga si weyn loola xidhiidhinayay kooxo badan bilihii ugu dambeeyay waxana uu haatan ku dhawyahay in uu heshiis hordhac ah la gaadho Liverpool si uu xor ugu biiro marka uu dhoco heshiiskiisu.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Barcelona ayaa xiddiga Ousmane Dembele ku war galisay in uuna ciyaari doonin ilaa inta uu kooxda u saxiixayo heshiis cusub taas oo la macno ah in uu xiddiga reer France haatanba ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here