Barcelona Oo Heshay Jawaabta Haddii Champions League Laga Ganaaxay Kaddib Musuqii Loo Haystay

0
104

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Barcelona ayaa xog ka heshay xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA oo u sheegay haddiiba ay ka ganaaxayaan UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda ee 2023-24.

Barcelona ayaa loo haysto wax loo bixiyay kiiska Negreira oo ah in madaxweyne ku xigeenkii farsamada garsoorayaasha Spain ee Jose Maria Enriquez Negreira uu wax u musuq-maasuqayay intii u dhaxaysay 2002 ilaa 2018.

Arrintaas ayaa sababtay in xidhiidhka kubadda cagta Yurub laba nin oo baadhis ku sameeya u diro kooxda kusoo guuleysatay horyaalka La Liga si ay u ogaadaan haddii wax tartamadooda Yurub la xidhiidha ay musuq ku sameeyeen.

Haatan il wareedka Agencia EFE ayaa sheegaya in Barcelona neefi kasoo fuqday isla markaana heshay xogta ah inay UEFA u ogolaadeen ka qayb qaadashada Champions League sanadka dambe.

Warbixinta ayaa sheegaysa in labada nin ee loo diray inay baadhis ku sameeyaan Barcelona ee UEFA ka socday ay warbixin fiican kasoo celiyeen kooxdaas iyagoo soo jeediyay in loo ogolaado inay CL ka qayb galaan.

Mirjam Koller iyo Jean-Samuel Leuba oo ah labada nin ee baadhista sameeyay qaybna ka ah gudida anshaxa iyo anshax-marinta ee UEFA ayaa qaba inay Barca mudan tahay ka qayb qaadashada tartanka ugu xiisaha badan Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here