Barcelona Oo Guuldarro Culus dusha u saartay Real Madrid

0
112

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Barcelona iyo Real Madrid ayaa isku faro saaray dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Dallas kulan kusoo dhammaaday guul weyn oo 3-0 ah oo ay Barca gaadhay ciyaar xoogan.

Carlo Ancelotti iyo Xavi Hernandez ayaa labaduba doortay inay shaxo xoogan kusoo shirtagaan iyadoo Jude Bellingham, Vini Jr, Robert Lewandowski iyo Pedri tusaale ahaan dhammaan shaxda asaasiga ah ku jireen.

Barcelona ayuu Ousmane Dembele 15 daqiiqo hoggaanka ugu soo dhiibay, Ousmane ayaa garabka midig kubadda uga soo baasay Pedri oo afaafka hore ee goolka taagan, Dembele oo ordayay inta baasku usii socday Pedri ayaa degdeg isla kubaddii dib uga helay Pedri wuxuuna darbo xoogan oo midig ah joog hoose kaga dhaliyay Courtois.

Barcelona vs Real Madrid, Preseason: Final Score 3-0, Barça win wild El  Clásico in Dallas - Barca Blaugranes

Real Madrid ayaa rigoore heshay daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta kaddib markii kubad uu qaaday Valverde ay gacanta ka haleeshay Ronald Araujo, Vinicius Jr oo laagtay ayaa birta sarre ee goolka garaacay.

Labada kooxood ayaa dhawr jeer isku dhacay qaybtii hore waxaana ugu mudan markii Frankie De Jong uu qalad xoogan ku galay Vini Jr.

Kooxda Ancelotti ayaa dhawr mar ku dhawaatay inay goolka barbardhaca iska keento balse kubaddo xoogan oo ay darbeeyeen Tchouameni iyo Vini Jr ayaa labaduba birta sarre ee goolka garaacay.

Da’yarka bedelka ku yimid ee Fermin Lopez oo 20 sano jir ah ayaa goolka labaad Barcelona u dhaliyay daqiiqadii 85-aad, Lopez ayaa Courtois ku garaacay laag xoogan oo uu meel ka baxsan xerada ganaaxa kaga tuuray.

Barca – and the woodwork – stop Real Madrid for 3-0 victory in Texas  'Clasico' | Arab News

Ferran Torres oo qudhiisu bedel kale ahaa ayaa daqiiqadihii dheeriga ahaa 3-0 ka dhigay kulanka, Torres ayaa kubad uu lahor tagay goolka ka dul qaatay goolhaye Courtois isagoo intaas kaddib gool banaan ku weeciyay kubadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here