Barcelona Oo Guul Ka Gaadhay Kooxda Gimnastic

0
223

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Barcelona ayaa ciyaartay kulankii ugu horeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub xilli uu Ronald Koeman hogaamiyay kulankii ugu horeeyay ee Barcelona.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Ronaldo Koeman laba shaxood ku ciyaaray maadama uu doonayo in uu fursad siiyo xiddigaha kooxda oo dhan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka Cusub.

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku bilowday shaxda kadib markii uu go’aansaday in uu iska sii joogo kooxda xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Barcelona ayaa wakhti horeba goolasha bilowday kadib markii uu xiddiga Ousmane Dembele u dhaliyay goolka furitaanka daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta.

Kooxda Barcelona ayaa ciyaaraysay kubad cajiib ah iyaga oo ka awood badnaa kooxda ay la ciyaarayeen kuwaas oo iska caabin kari waayay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 17-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta kadib markii ay kooxdu rikoodhe heshay kadib khalad ay galeen xiddigaha kooxda Gimnastic.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in uuna Lionel Messi u Istaagin rikoodhada isaga oo u daayay xiddiga Antoine Griezmann kaas oo gool ka dhaliyay.

Kooxda Gimnastic ayaa daqiiqadii 31-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Javi Bonilla kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Qaybtii dambe ayuu Ronald Koeman gabi ahaan badalay 11-kii xiddig ee uu ku bilaabay iyada oo uu Coutinho hogaaminayay xiddigihii ku bilowday qaybtii dambe.

Daqiiqadii 51-aad ayay Barcelona heshay rikoodhe waxana u istaagay xiddiga Philippe Coutinho kaas oo gool u badalay ciyaartana ka dhigay 3/1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here