Barcelona oo Go’aan ka Gaartay Mustaqbalka Arthur Melo

0
329

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Juventus ayaa doonaysa xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo lagu daro heshiiska ay Barcelona ku doonayso xiddiga Miralem Pjanic.

Laakiin Barcelona ayaan doonayn in ay xiddiga ku riixdo in uu ku biiro kooxda Juventus sabab la xidhiidha in uuna xiddiga reer Brazil doonayn in uu ka tago Barcelona.

“Waxa aan doonayaa in aan sii joogo Barcelona”ayuu Arthur yidhi todobaadyo yar ka hor.

“Maskaxdayda kuma jiro wax aan Barcelona ka ahayn”.

Marka la eego in uuna Arthur doonayn in uu kooxda ka tago Barcelona ayaa xiddigo kale ku dari doonta heshiiska ay ku doonayso saxiixa Miralem Pjanic.

Marka ay Barcelona heshiis la gaadho Juventus waxa ay xiddiga reer Brazil u soo bandhigi doonaan heshiis uu ugu biiri karo isaga ayaana go’aanka kama dambaysta ah qaadan doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here