Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Ganaaxa Dusha Laga Saaray Lionel Messi.

0
262

Kooxda Barcelona ayaa soo saartay warbixin ay ku xaqiijisay in ay Racfaan ka qaadanayso ganaaxa dusha laga saaray kabtankeeda Lionel Messi.

Xidhiidhka La Liga ayaa maanta soo saaray Go’aan ay ganaax 2 kulan ah dusha uga saareen Lionel Messi kadib kaadhkii casaa ee loo taagay kulankii Final-ka Spanish Super Cup-ka.

Messi ayaa kaadhka cas ee tooska ah loo taagay daqiiqadii 120-aad ee wakhtiga dheeriga ahaa kadib markii garsooruhu adeegsaday caawiyaha VAR.

Kooxda Barcelona ayaa warbixin ku soo saartay”Xidhiidhka La Liga maanta oo Salaasa ah waxa uu noo sheegay in muddo 2 kulan ah lagu ganaaxay Lionel Messi”.

“Kadib Go’aankaas kooxda Barcelona ayaa go’aansatay in ay Racfaan ka gudbiso ganaaxa Lionel Messi”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here