Barcelona ” Go`aanno Ayaan Qaadanay, Waxii Dhacayna Waa Musiibo”.

0
221

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Agaasimaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay guul-daradii cusleyd ee ay kala kulmeen Munich

Wargeyska Marca ayuu Bartomeu ka yiri ” waa habeen adag , waan ka xumahay waxa dhacay waayo ma aynu muujin sharaftii kooxda”.

“Waa natiijo weyn waana u hambalyeeyanayaa Munich waa ay mudnaayeen guushaas , balse waxii hadda ka biloowda waxaan qaadaneynaa go`aanno waliba qaarkood waan ka fikirnay , waana shaacineynaa”.

Mar la weydiiyay waxa ay yihiin go`aanadaas waxa uu Bartomeu yiri” ma sheegayo haatan qaar waana qaadannay qaarna waan ka fikireynaa , dhawaan waad arkeysaan go`aankaas”.

Mar kale ayaa la weydiiyay mustaqbalka tababare Quique Setién waxa uuna aagsimaha Barcelona ku jawaabay” saacaddaan la joogo waa laga fiican yahay in aan shaaciyo go`aanadaas”.

Arinkaas ayaa loo badinayaa in uu yahay in xilka laga qaadayo tababare Quique Setién oo ay kooxdiisa xalay la kulantay guul darro 8/2 ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here