Barakacayaal Ku Nool Baydhabo Oo Ka Cabanaya dhulkii ay degenaayeen Oo Laga guuriyay.

0
24

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) In ka badan Todobo sano ayaa waxay Qoysaskan danyarta ah deganaayeen Xaafada Towfiiq Ee Magaalada Baydhabo gaar ahaan dhabarka dambe Warshada Hasey balse waxaa soo gaartey war aysan jecleysan oo ah in ay isaga guuraan dhulkii ay deegaan sanaayeen kadib markii Milkiilihii lahaa dhulka dalbadey in loo baneeyo.

Qoysaskan oo gaaraya ku dhawaad Afar boqol isugu jira Caruur, Waayeel iyo Hooyooyin Umul ah ayaa waqtigaan la daalaa dhacaya Nolol maalmeedka Guriga, ma ahan kuwa awooda in si fudud ku helaan dhul ay deegaansadaan maadama ay yihiin kuwa la nool duruufo adag.

Warkung waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed Nor War’ady 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here