Bankiga Adduunka oo Soomaaliya Ka Taageeraya Adeegga Korontada

0
237

Bankiga Adduunka ayaa ku dhowaaqay mashruuc ku kacaya 150 milyan oo dollar oo dib loogu soo noolaynayo adeegga korontada Soomaaliya.

Bankiga ayaa sheegay shalay in mashruucan uu sare u qaadayo helitaanka koronto nadiif ah oo qiimaheedu hooseeyo oo ay helaan dad dhan 1.1 milyan oo qoys ama qiyaastii 7 milyan oo qof oo Soomaali ah kuwaasi oo kala-badh ay dumar yihiin.

War saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in ilaa 15 milyan oo qof oo Soomaali ah, 9 milyan oo ka mid ah aysan haysan koronto; qiimaha korontaduna uu ku jiro kuwa ugu qaalisan dunida. Taasi waxaa la socota in tobankii qof ee Soomaali ah, sagaal ka mid ah ay saamaysay mid ka mid ah culayska ka imanaya dhinaca lacag la’aan, tamarta, waxbarashada, biyaha iyo adeegyada caafimaadka.

Helitanaka koronto la awoodo waxay muhiim u tahay hoos u dhigista faqriga sababtoo ah waxay kor u qaadaysaa dakhliga qoyska, waxay saacidaysaa jawiga ganacsiyada, waxayna abuuraysaa shaqo, sidaasi waxaa tiri Kristina Svensson, maamulaha Bankiga Adduunka faraciisa Soomaaliya.

Madaxda Bankiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan uu sii kaabayo shaqada Bankiga Adduunbka ku gargaarayo hay’adaha maxalliga ah ee nugul, iyo kuwa waddamada ay colaaduhu saameeyeen, iyadoo hadafku yahay kor u qaadista aqoonta dadka degaanka iyo kobcinta adeegyada, sida lagu sheegay war saxaafadeedka kasoo baxay Bankiga Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here