Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Oo maanta soo doortay sadax kursi oo ka dhimanaa xubnaha aqalka sare.

0
225

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Maanta ay ka dhacday doorashada Saddex kursi oo ka harsaneyd Sideeda kursi ee Aqalka Sare ku matala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Labadii Bishaan ayaa waxaa Magaalada Baydhabo lagu doortay Shan kursi oo kamid ah 8 kursi ee Aqalka Sare ku matala Koonfur Galbeed, waxaana Maanta la dhameystiray 8 kursi ee Koonfur Galbeed ku leedahay Aqalka Sare.

Ilaa lix Musharax ayaa Maanta ku tartamay Saddexda Kursi ee doorashadooda ka dhacdey Magaalada Baydhabo, kuwaas oo marka hore khudbadahooda musharaxnimo jeediyay, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin Musharaxiinta tartameysay.

1: Xasan Xuseen Xaaji oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi

2: Cali Sheekh Maxamuud Gacal
Cabdiqadir Cabdi Axmed

3: Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade).

Cabdullaahi Roobow Maxamed

Waxaa gcodeynta markii ay dhiibteen xildhibaanada golaha wakiilada Kg kadib lagu dhawaaqay natiijada doorashada kursiga koowaad ee doorashada Aqalka sare dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ku matalaya BJFS.

Waxaana kursiga koowaad kuwada tartamay Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi. Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku guuleystay doorashada kadib markii uu helay codad dhan 74 , halka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 cod.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Kursiga koowaad oo uu ku guuleystay Xasan Xuseen Xaaji.

Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay natiijada doorashada kursiga labaad ee doorashada Aqalka sare dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ku matalaya BJFS.

kursiga labaad waxaa kuwada tartamay Cali sheikh Maxamuud Gacal iyo Cabdiqaadir Cabdi Axmed.

Cali sheikh Maxamuud Gacal ayaa ku guuleystay doorashada kadib markii uu helay codad dhan 68, halka Cabdiqaadir Cabdi Axmed uu helay 22 cod.

Kuraasta maanta la dooranaayay oo gaaraya illa seddax kursi ayaa kursiga Seddaxaad waxaa kuwada tartamay Sen. Cabdiwali Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed.

Cabdiwali Maxamed Ibraahim  ayaa ku guuleystay doorashada kadib markii uu helay codad dhan 68, halka Cabdullahi Roobow Maxamed 18 cod. Cabdiweli Ibraahim Xaabsade waxa uu ka mid ahaa Xildhibaan baarlamaankii 9aad ee soomaaliya

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday Maamulkii labaad ee dhameystiray doorashada Aqalka Sare, waxaana kasii horreeyay Maamulka Puntland oo dhamaan doortay 11 Xubnood ee ku matala Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here