Australia oo lagu eedaynayo inaanay qaadin tallaabo ku filan oo looga hortagayo hawada wasakhaysan

0
225

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Iyadoo muddo bil ah ay ka harsan tahay shirweynaha cimillada ee Qaramada Midoobay ee ka dhici doona magaalada Glasgow – ayaa inta badan dalalka waxa ay sare u qaadayaan ballanqaadyadooda si ay isugu dayaan in hoos loo dhigo heerka kulaylka caalamka.

Hasayeeshee Australia oo ka mid ah meelaha ugu sarreeya hawada wasakhaysan dunida ayaa waxaa lagu eedaynayaa inaanay qaadin tallaabo ku filan wax ka qabashada arrintaasi.

Weli Australia ma aanay ogolaan inay qiiqa hawada ay ku sii dayso ay ebar ka dhigto wixii loo gaaro 2050, todobaadkii tagayna Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Scott Morrison ayaa sheegay inay suuragal tahay inuusan ka qeybgelinba shirka COP26.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here