Aubameyang Oo Wel-wel Ku Abuuray Taageerayaasha Arsenal

0
278

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Inakstoo Arsenal ay ku guuleystay FA Cup-ka hadana weli waxa uu mugdi ku jiraa mustaqbalka Aubameyang ee Arsenal kaasi oo weli diidan in uu kala cadeeyo sida uu noqonayo go`aankiisa

Laacibkaas ayaa xalay Arsenal ku hogaamiyay FA Cup-ka ka dib markii uu dhaliyay goolka bar bar dhaca iyo midka guusha ee ay ka gaareen Chelsea kaasi oo ka yeelay kooxdaas in markii 14-aad taariikhda ruxaan koobkaas.

Ka dib su`aal ay weydiisay BT oo aheyd wax ma inooga sheegi kartaa msuatqbalkaada Arsenal , waxa uuna Aubameyang bixiyay jawaab wel wel gilineysa taageerayaasha Arsenal
Waxa uu yiri ” hadda kama hadli karo waayo waxaan ku mashquulsanahay dabaal degga koobka”

Isla su`aashaas oo kale waxaa la weydiiyay macalin Arteta taasi oo aheyd ma dhihi karnaa Aubameyang waxa uu muhiim u yahay shaxda kooxda waliba isaga oo jooga kooxda dib ayaad u soo dhiseysaa waxa uuna ku jawaabay macalinkaa” haa sidaas waan dhihi karnaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here