Atalanta Oo Ka Jawaabtay Dalab Waali Ah Oo Ay Man United Ka Gudbisay Rasmus Hojlund.

0
76

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Atalanta u soo bandhigtay dalab lacag iyo waliba xiddig ah kaas oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga Rasmus Hojlund.

Laakiin kooxda Atalanta ayaa isla markiiba diiday dalabka Man United ka gudbisay saxiixa xiddiga Rasmus Hojlund.

Red Devils ayaa weeraryahanka ka dhigtay mid ka mid ah bartilmaameedyadeeda ugu muhiimsan suuqa kala iibsiga xagaagan.

Waxa la rumaysanaa in ay ku dhawdahay in ay Atalanta kala heshiiso saxiixa xiddiga Hojlund si ay ugu xoojiso kooxdeeda.

Laakiin Atalanta ayaa diiday isku daygii ay Man United ku doonaysay saxiixa xiddiga kadib markii ay United miiska saartay xiddigo waliba lacag kaadh ah.

Wargayska The Athleci ayaa sheegaya in ay kooxda Atalanta ku qiimayso xiddiga 20 jirka ah 100 milyan oo euro isla markaas doonayso kaliya lacag toos ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here