Arturo Vidal oo durba tababar la bilaabay xiddigaha kooxdiisa cusub ee Inter Milan

0
228

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Arturo Vidal ayaa durba waxa uu tababar la bilaabay xiddigaha kooxdiisa cusub ee Inter Milan, kaddib markii uu maanta ka mid noqday kooxda reer Talyaani.

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa maanta dhammaystirtay saxiixa Arturo Vidal, kaasoo ay kala soo wareegeen naadiga reer Spain ee Barcelona.

Arturo Vidal ayaa qandaraas labo sanadood ah u saxiixay kooxdiisa cusub ee Inter Milan, waxaana uu qiyaar u haystaa inuu sanad kale oo sadexaad ku darsan karo, kaddib markii uu beeca xorta ah uga yimid Barcelona.

Tababarkiisii ugu horreeyey ayuu xiddiga reer Chile la qaatay xiddigaha kooxdiisa cusub sida Lukaku, Sanchez iyo kuwo kale, iyadoo uu goob joog ahaa macallinka reer Talyaani ee kooxdaas Antonio Conte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here