Arteta Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Oo Garoomada Ka Maqnaan Doona Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedkan.

0
74

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Fabio Vieira lagu sameeyay qaliin gumaarka ah uuna garoomada ka maqnaan doono todobaadyo.

“Dhibaato ayaa naga haysata isaga. Waxa uu lahaa xoogaa raaxo la’aan ah”ayuu yidhi.

“Ma uusan soo fiicnaan, waxaana u dirnay dhakhtar takhasus leh, taladu waxay ahayd in qaliin lagu sameeyo oo aan shalay sameynay, waxaan fileynaa inuu maqnaan doono todobaadyo hadda.”

Vieira ayaa kaarka cas loo taagay kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen kooxda Burnley waxana uu ku maqnaa ganaax 3 kulan ah.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Arsenal kuwaas oo u tartamaysa 3 koob xilli ciyaareedkan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here