Arteta Oo Niyadda U Qaboojiyay Taageerayaasha Arsenal , Fariin Ayuu U Diray Ka Hor Kulanka Everton

0
239

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arteta ayaa ka hadlay xaaladda Arsenal ay mareyso waqtigaan ka dib kulan wareed uu ku soo muuqday ka hor kulanka sabtida ee ay la ciyaarayaan kooxda Everton kaasi oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska .

Waxa uu ku dheeraaday shaqada adag ee uu marayo iyo waqtiga uu qabtay kooxdaas oo ay  sii dheer tahay natiijooyinkii ugu dambeeyay kooxda ee horyaalka .

” Waxaa lagu jiraa mid ka mid ah sanadihii ugu adkaa taariikhda kooxda sababo kala duwan dartood” ayuu ku bilaaba

” Waxaan aaminsanahay in aan in badan sameynay hormar iyo is badallo wax ku ool ah , ka dib xaaladdo dhacay, waxaan u baahannahay xasilooni si aan arintaas u sameeynana waxaan u baahannahay waqti nagu filan.

”  Mashruuc cusub ayaan bioownay sidaa darteed sahal ma aha in durba laga mira dhaliyo , xalka waxa uu qaadanayaa waqti” ayuu yiri macalin Arteta

” Waa run waxa aan illaa haatan ka qabanay horyaalka ma aha wax nagu filan  sidaa darteed waa hubaal waa laga baxayaa daruuftaan waana wajaheynaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here