Arsenal Oo War Xun Ka Heshay Xaalada David Raya.

0
7

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay xaalada Goolhaye David Raya kaas oo ku dhaawacmay kulankii Man City.

Raya ayaa dhamaystay kulankii ay kooxdiisu bar-baraha la gashay Man City kulan ka tirsanaa premier League.

Laakiin xiddiga ayuu dhaawac ka soo gaadhay kulanka waxana uu seegi doonaa kulanka Carabao Cup-ka ee ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Bolton.

Sida laga soo xigtay Mailonline, Raya ayaa ku dhibaatoonaya dhaawac jilibka ah waxana uu seegi doonaa kulanka Bolton.

Inkasta oo uuna dhaawacu ahayn mid halis ah Arsenal ayaan doonayn in ay halis galiso Goolhayaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here