Arsenal Oo Ugu Dambayn Dhamaystirtay Saxeexii Ugu Qaalisanaa Taariikhda Ingiriiska

0
128

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda kubbadda cagta Arsenal ayaa dhamaystirtay heshiiska xiddiga khadka dhexe ee reer England ee 𝐃𝐞𝐜𝐥𝐚𝐧 𝐑𝐢𝐜𝐞 oo qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah, isla markaana galay taariikhda Arsenal oo uu ka noqonayo ciyaartoygii ugu qaalisanaa ee abid ay iibsto kooxdan reer London.

Arsenal ayaa daqiiqado yar ka hor waxay heshiiska ka saxeexday Declan Rice oo ay £100 milyan oo Gini oo naqad ah iyo £5 milyan oo kale oo ku xidhnaanaya bandhiggiisa ciyaareed iyo guulaha uu ku gaadho Emirates Stadium ay kaga soo iibsatay West Ham United.

Rice ayaa noqon doona cioyaartoygii ugu qaalisanaa ee Ingiriis ah ee abid la kala iibsado, waxaana uu sidoo kale noqonayaa ciyaartoyga ugu qaalisan isaga oo labadaas taariikhoodba caawa loo diiwaangeliyey.

Waqti hore oo maanta ah ayay Mikel Arteta oo ah tababaraha Arsenal iyo Edu Gaspar oo ah agaasimaha ciyaaraha ee kooxdaas, waxay u dhamaystireen West Ham wax kasta oo ku xidhnaa heshiiska Declan Rice oo ay ku garaaceen Manchester City oo uu hunguri ka hayay.

Wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa soo bandhigay sawirka Declan Rice oo ku labbisan garanka Arsenal xilli ay labada kooxoodba isku diyaarinayaan inay saxaafadda horyimaaddaan oo ay ku dhawaaqaan heshiiska Declan Rice.

Arsenal ayaa waxay hore ula saxeexatay weeraryahanka reer Germany ee Kai Havertz oo ay kala soo wareegtay Chelsea, waxaana uu Rice noqonaya saxeexii labaad halka ay ku raad-joogaan oo ay dhamaystirkiisa u dhow yihiin Jurrien Timber oo difaaca uga ciyaara Ajax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here