Arsenal Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Sadio Mane.

0
409

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay si Lama filaan ah isugu diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane.

Mikel Arteta ayaa la filayaa in uu suuqa u galo saxiix weyn xagaaga iyada oo ay Gunners ka qayb gali doonto tartanka Europa League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Arsenal ayaa xiddiga Sadio Mane u doonaysa in ay ka dhigto saxiixeeda ugu weyn ee suuqa xagaaga si ay ugu xoojiso kooxda.

Mane ayay 12 bilood uga hadhsantahay heshiiskiisa kooxda Liverpool waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda suuqa xagaaga.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay aqbali doonto lacag dhan 35 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga waana lacag ay Arsenal si dhib yar u bixin karto.

Arteta ayaa Mane u doonaya in uu hogaamiyo weerarkiisa xilli ciyaaredka dambe marka la eego in uu khibrad fiican u leeyahay tartamada waaweyn ee yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here